NEW ITEMS

Heestii Imisaan Ku Hor Joogoo

Qoraalka: Heesta Imisaan Ku Hor Joogoo.

Luuqda: Maxamed Mooge Liibaan. 

Ereyada: Abwaan  Cabdi Qays. 

shiremarketing.blogspot.com/

Imisaan ku hor joogoo

Wanaag kaa hidinaayoo

Iska daa hadal toosane

Warba kaa heli waayoo

Wejiga aad iga hiiftay.


Adduun waa hadh wareega

Waa habeen iyo maalin

Isku soo hirdamaaya

Waa habow iyo toos

Is hareera socdee

Waayihii kol i heeray

Kolna heeryo i saaray

Inaan ku hab-jileecaa

Waa mid aan la helaynine

Hiyigaaga ka saar.


Hogob caleenliyo

Adoo hadh jiifee

Dhaxan harraad

Halaase joogee

Habeenka maalin 

Socodka iyo

Hirig cadaadeed

Hugayga reebtee.


Nafsi iga hiishaan

Heedhe Kula haleeloo

Hogtooy wanaagani

Waa kaad halleysee

Kula hor joogee.


Mar baad hillaaciyo

Hogol ahaydoo

Mar baad hiraysoon

Ku hiigsanaayee

Sowkii haacoogiyo

Ahaa habeenka

Halyayga maanta

Lagu halmaamay.


Nafsi iga hiishaan

Heedhe Kula haleeloo

Hogtooy wanaagani

Waa kaad halleysee

Kula hor joogee.


Mar baad hubkays wada

Hareer ordaysoon

Anna hangool iyo

Gudimo haystee

Adoo hitiitiqay

Haddaad i hoos timid

Oon geedna haysan

Waa hiil Ilaahee.


Nafsi iga hiishaan

Heedhe Kula haleeloo

Hogtooy wanaagani

Waa kaad halleysee

Kula hor joogee.


Ha moodin adiuun

Inaan ku hiifee

Haween dhammaanba

Ka hawl yaraystee.


Hiil iyo hooba

Mid kuu han waynoo 

Ku hanta Mawle

Ha kuu hibeeyee

Ilaah hortaadiyo

heedhe Hareerahaagaba

Halkaad maraysuun

Ha kuu hagaajee 

Nabad kusii hoyo.

Comments