NEW ITEMS

QORAAL HEESTA AFQALAAD AQOONTU MIYAA?

 


Qoraalka: Heesta Afqalaad aqoontu miyaa?
Codka: Xasan Diiriye Faarax Iyo Xaliimo Khaliif Magool.
Ereyada: Abwaan Cali Sugulle Dun Carbeed.

BAYDKA 1AAD.
Abaar iyo ooda-lul baan ku jirnaa,
Anbanoo omos iyo oomanaan ku lunnee.

Amakaag iyo yaab argagax
Aboowe macaanow hee
Ii sheeg maxaa ku daran
Aboowe macaanoow hee.

Waan asqaysanahee, kuu aaway?
Abaayo macaaneey hooy.

Ii sheeg maxaa ku daran?
Abboowe macaanow hee

Af qalaad aqoontu miyaa?
Maya Maya, ma ahee
Af-qalaad aqoontu miyaa?
Maya Maya, Ma ahee,
Waa intuu qofba eebbe geshaa
Ayeey nala tahay anagee.

Ma ogtahay dib looma abuura dadkee
Ma ogtahay aqoonta amaah la iskuma siiyee
Ma ogtahay aqoonta abaal la iskuma taartee
Ma ogtahay aqoonta amaah la isuma siiyee.

Maya Maya, Ma ahee
Waa intuu qofba eebbe geshaa
Ayey nala tahay annagee
Waa intuu qofba eebbe geshaa
Ayay nala tahay anagee
Ma ogtahay dib looma abuura dadkee.

BAYDKA 2AAD.
Adduunyada waanu ka oodan nahee,
Aan ogaanno halkay ku aaddan tahee,

Waan asqaysanahee ku aaway
Aboowe macaanow hooy,

Ii sheeg maxaa kuu daran
Abaayo macaaneey hooy?

Waan asqaysanahee ku aaway
Aboowe macaanow hooy,

Ii sheeg maxaa kuu daran
Abbaayo macaaney hooy,

Af qalaad aqoontu miyaa?
Maya Maya, Ma ahee
Af qalaad aqoontu miyaa?

Maya Maya, Ma ahee
Waa intuu qofba eebbe geshaa
Ayeey nala tahay anagee
Waa intuu qofba eebbe geshaa
Ayeey nala tahay anagee
Ma ogtahay dib looma abuura dadkee.

Ma ogtahay aqoonta amaah la iskuma siiyee?
Ma ogtahay aqoonta abaal la iskuma taartee?
Ma ogtahay aqoonta miyaa la iibsan karaa?
Maya Maya, Ma ahee
Waa intuu qofba eebbe geshaa
Ma ogtahay aqoonta miyaa lasoo ergistaa?

Maya Maya, Ma ahee
Waa intuu qofba eebbe geshaa
Ayeey nala tahay anagee
Waa intuu qofba Eebbe geshaa
Ayey nala tahay annagee
Ma ogtahay dib looma abuura dadkee.

BAYDKA 3AAD.
Asaageen horumaraan arkayaa
Ilays aadayoo iftiiminayaa
Ilays aadayoo iftiimayaa

Amakaag iyo yaab argagax
Aboowe macaanow hooy
Ii sheeg maxaa kuu daran?
Aboowe macaanoow hee.

Waan asqaysanahee ku aaway
Abaayo macaaneey hooy.

Ii sheeg maxaa kuu daran
Aboowe macaanoow hee?

Af-qalaad aqoonta miyaa?
Maya Maya, Ma ahee
Afqalaad aqoonta miyaa ?
Maya Maya, Ma ahee
Waa intuu qofba eebbe geshaa
Ayey nala tahay annagee
Waa intuu qofba eebbe geshaa
Ayay nala tahay annagee
Ma ogtahay dib looma abuura dadkee.

Ma ogtahay aqoonta amaah la iskuma siiyee?
Ma ogtahay aqoonta abaal la iskuma taartee?
Ma ogtahay aqoonta miyaa la iibsan karaa?
Ma ogtahay aqoonta miyaa la soo ergistaa?

Maya Maya, Ma ahee
Waa intuu qofba eebbe geshaa
Ayeey nala tahay annagee
Waa intuu qofba eebbe geshaa
Ayeey nala tahay annagee
Ma ogtahay dib looma abuuro dadkee?

BAYDKA 4AAD.
Ogali oo waxbarashadu way eeg tahee?
Af shisheeya ayaynu addoon u nahee?

Waan asqaysanahee ku aaway
Aboowe macaanoow hooy.

Ii sheeg maxaa kuu daran?
Abbaayo macaaneey hooy

Af qalaad aqoontu miyaa ?
Maya Maya,
Ma ahee waa intuu
Qofba eebbe geshaa
Ayeey nala tahay annagee
Waa intuu qofba eebbe geshaa
Ayey nala tahay annagee.

Ma ogtahay aqoonta amaah la iskuma siiyee
Ma ogtahay aqoonta abaal la iskuma taartee
Ma ogtahay aqoonta miyaa la iibsan karaa?
Ma ogtahay aqoonta miyaa la soo ergistaa?

Maya Maya, Ma ahee
Waa intuu qofba eebbe geshaa
Ayeey nala tahay anagee
Waa intuu qofba eebbe geshaa
Ayeey nala tahay anagee
Ma ogtahay dib looma abuuro dadkee?

BAYDKA 5AAD.
Itaalkii baa lays amaahinayaa 
Iskeen maw wada adeegnaa?

Amakaag iyo yaab argagaxa
Aboowe macaanow hooy,
Ii sheeg maxaa kuu daran?
Aboowe macaanoow hee.

Waan asqaysanahee ku aaway
Abaayo macaaneey hooy,

Ii sheeg maxaa kuu daran
Aboowe macaanoow hee?

Af-qalaad aqoontu miyaa?
Maya Maya, Ma ahee
Afqalaad aqoonta miyaa ?
Maya Maya, Ma ahee
Waa intuu qofba eebbe geshaa
Ayey nala tahay annagee
Waa intuu qofba eebbe geshaa
Ayay nala tahay annagee.

Ma ogtahay aqoonta amaah la iskuma siiyee?
Ma ogtahay aqoonta abaal la iskuma taartee?
Ma ogtahay aqoonta miyaa la iibsan karaa?
Ma ogtahay aqoonta miyaa la soo ergistaa?

BAYDKA 6AAD.
Aboor baa duddumo ilkaha ku dhisee,
Aqbal keen qof kalaa arrin soo ururshee,

Waan asqaysanahaye, ku aaway
Aboowe macaanow hee?
Ii sheeg maxaa kuu daran,
Abaayo macaaneey hooy?

Afqalaad aqoontu miyaa?
Maya Maya, Ma ahee
Afqalaad aqoonta miyaa ?
Maya Maya, Ma ahee
Waa intuu qofba eebbe geshaa
Ayey nala tahay annagee
Waa intuu qofba eebbe geshaa
Ayay nala tahay annagee.

Ma ogtahay aqoonta amaah la iskuma siiyee
Ma ogtahay aqoonta abaal la iskuma taartee
Ma ogtahay aqoonta miyaa la iibsan karaa?
Ma ogtahay aqoonta miyaa la soo ergistaa?

Maya Maya, Ma ahee
Waa intuu qofba eebbe geshaa
Ayeey nala tahay anagee
Waa intuu qofba eebbe geshaa
Ayeey nala tahay anagee
Ma ogtahay dib looma abuuro dadkee.

6 BAYDBA.
1. Abaar iyo oodalul baan ku jirnaa,
Anbannoo omosiyo oomanaan ku lunnee.

2. Abaar iyo ooda-lul baan ku jirnaa,
Anbanoo omos iyo oomanaan ku lunnee.

3. Asaageen horumaraan arkayaa,
Ilays aadayoo iftiiminayaa.

4. Ogali oo waxbarashadu way eeg tahee?
Af shisheeya ayaynu addoon u nahee?

5. Itaalkii baa lays amaahinayaa 
Iskeen maw wada adeegnaa?

6. Aboor baa duddumo ilkaha ku dhisee,
Aqbal keen qof kalaa arrin soo ururshee.

FG. Qoraalka heestan oo aan meelo badan ku arkay waxa ku jira qaladaad badan.

Qalinka: Maxamed Siciid Cali Shire.
Email: Realmohamed@outlook.com
Tel: +252 65 9111290


Comments