Qoraalka: Heesta Ruuneey isoo eeg.
Codka: Maxamed Saleeban Tubeec.
Ereyada: Abwaan Cabdi Cali Weyd.
Meel ramashi badanoo
Dhirtu raamo bixisoo
Rucub midho ah leedahay
Rayska iyo barwaaqadu
Ay reex udgoonyihiin
Been laguma reeye
Waad iraalli gelisee
Ruuneey isoo eeg.
Meel raaxo badanoo
Roobku uu ku hooroo
Biyuhu laba rogmanayaan
Haaa haa haaa
Raha iyo maroodiga
Aan wada rafiiqnee
Been laguma reeyee
Waad iraali gelisee
Ruuneey isoo eeg.
Meel ramadku dhalayoo
Ristu ay isqabtoo
Lagu raacin xoolaha
Reeruhu ku badanyhiin
Isku soo rugeeyeen
Been laguma reeyee
Waad i raalli galisee
Ruuneey isoo eeg
Ruuneey isoo eeg.
Meel aar ka reemayoo
Raarta saydhinaayoo
Gorayadu ka roortaa
Aawadaa rucleeyaa
Kaa raadiyaayee
Been laguma reeyee
Waad i raalli galisee
Ruuneey isoo eeg.
Comments
Post a Comment